VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Kun dhaan - Lyrics

kolkuu waayuhu adkaado naftayda adaa kalkaala koolkooliya sida dhalaanka kashana kalgacayl ku soora anuun ka tiro dadaala misna adigaa i kaaba kolkaad dhinacayga joogto anaan ruux kale u baahan kaafton bashar kale ilaawaye kun dhaan adiga quluubta kalsooni ku maamulaya adaa kaabay i dooja kolkaan ku hele midownay naftaa faraxdo kifaxday kasmada garashada saraysa kaftanka erayada jacaylka kalmada wacaniyo daryeelka hankaa ku qoree dadaalka kaaxay sidan kuu jeclaaday jaliilku ha kuu jeclaado hadaan dooney kaafeeya kashiyo kugu dhowran labta anaan garan kaalintaadiye kun dhaan adiga quluubta kalsooni ku maamulaya adaa kaabay i dooja kolkaan ku hele midownay naftaa faraxdo kifaxday
Queue is empty
-- / --