VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Lamaane - Lyrics

Lamaane is doortay waa dahaboo Dariiqa wanaagsan lama diidee Dooq iyo calaf ha isku keen darayee Deeqaay labadaynu waa darisnay Dubaaq iyo laabta kaa doonay Way way dawada nolashiyo dan ila garo Daleed waxaa dhaanta dugsi iyo guriyee Daa'in baan ka baryaaa inaynu dagnoo Deeqaaay ubad aan daadhinee Kusoo durug aan daadhinee Dabciga wacan baan ku diirsadoo Dar'alle quraxdaada waa ideeqadayo Daymada indhaha ku doogsada Daymada indhahaa ku doogasadee Deeqaay waxaa tahay darmaan ugabooo Dalkayna lagu aroosaayooo Damaashaadkana loo dabaal dago Daleed waxaa dhaanta dugsi iyo guriyee Daa'in baan ka baryaaa inaynu dagnoo Deeqaaay ubad aanu daadihinee Kusoo durug aanu daadihinee
Queue is empty
-- / --