VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Miyaanan halayn - Lyrics

Habeen iyo maalin Hirwadaniyo dhaanto Heelada baxaysa Adaanbkuu hibeeyay Hadaan hodaneey Hubqaadka jidhkaaga Hankaygu jeclaaday Miyaanan helaynin Haydaarta dhibteeda Hadaan ku hantaaqmo Kalgacalka huqdiisa Hamashka iyo reenka Hilowga ka waraabi Hirkaa quruxdiisa Hubaal aan dhex joogo Hadaan ka habaabo Anaa hakranaaya Odhaah hadalkaaga Hanaan dhaqankaaga Haybada sharafkaaga Ayaan hido raacay
Queue is empty
-- / --