Heesta Muxubo - Lyrics
muxubadii naftaydaay
maaweeladii kalgacalkaay
tii loo hanweynaa
marna loo mashxaradaaay
mahuraankii nolashaaay
midkaad meher wadaagtaan
ayaa ugu nasiib badan
meel mayay ku hooroo
dhirtu sii magooshoo
ubuxuna ka buuxoo
markii aan ku milicsado
waxaan kuu maleeyaa
muuqii bureeqaad
xareed maaxanaysaay
nafta aragga deeqaay
mii magaalo waa wax kula mida
waxaan kuugu mathalaaa
sidaa sagal masciideed
ama ubax dhalaal badan
meel mayay kuhooroo
dhirtu sii magooshoo
ubuxuna ka buuxoo
markii aan ku milicsado
waxaan kuu maleeyaa
muuqii bureeqaaad...