VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Riyo - Lyrics

adaa riyo ii abuuray adaa rajo ii ahaaday anoo quustoo ragaaday adaa guul ii rumeeyay adaa rasmiyoo ku beeran ogow ruuxdiyo jidhkayga adaan raadaan ba'aynini ku reebay macan xiskayga markaan rubuc saac ku waayay qalbiga kaa raysan waayay haween u raaci waayay ra'yina wax u dhaafin waayay inaan kuba raadin waayo adaa raxmad ii ahaaday adaa raako dheer i saaray anoo raxan raadka nuugay adaa raaliyo i deeqay adaa rabitaanka beerka ka goyn rubadayda baahan adaa rukunada jacaylka ku taagay runtii bogayga
Queue is empty
-- / --