hadal la igu yidhi ma hilmaami karoo
misna kuma hanjabo waan heetiyaa
hamigaygiyo higsigaygu waa
halkaan gaar u rabay waan gaadhayaayee
2x

anoo hiilis raba ninka iga hadhoow
i colaadiyana habeen uma jabo
hilinkaan rabiyo himalada fogbaa
i hogaamisee waan gaadhayaa
2x

ha iga hadhin naftaay waan gaadhayaa
ha iga daalinee waan gaadhayaa
halkaan gaar u rabay waan gaadhayaa
ha hadlaan waymuhu waan gaadhayaa
2x

qof i hareer socdoo i haraad tiree
marka hogol da,dana igu hadaf ahbaa
hor usocodka iyo is hor taaga guul
anoo hawl yaraan ku hilmaamaheyn
2x

hilaac ii big liyo hadafbaan arkaa
hiimso hiimso iyo hubi waan ka baxay
hanqaraar u cugo halawgu ma dhibtee
halkaan gaar u rabay waan gaadhayaa
2x

ha iga hadhin naftaay waan gaadhayaa
ha iga daalinee waan gaadhayaa
halkaan gaar u rabay waan gaadhayaa
ha hadlaan warmuhu waan gaadhayaa
2x

Exit mobile version