caashaqu dhibaatiyo muu gaysan dhalanteed
waxaad libinta dhawrtiyo wakhtigaad dhursugaysiyo
maalintii ku dhaaftaa tii timid ma dheeraan
dhaygag iyo wax yeelo wali dhiilka caashaqa
waabay kamaad dhamin
dadka ruuxa kugu dheer anaa ogiye dhaayuhuu
ilmo dhaamisoo nugul nasiib dhawr kumuu odhan
caashaqan ku dhaawacay dhaliil kuumasoo wado
xili uu dayaxu dhacay dhaxantiyo qaboobaha
midkii kugu dhex noolaa adoo dhugashada u jeel qaba
dhinacaaga kamaad dayin ismaad odhan dhibanaha
jacayl dagay

Exit mobile version