Heesta Dulqaad baan kaa rabaa - Lyrics
hadalka kii dabacsanbaa
jacaylku ku diirsadaa
farxad aan laga daalin iyo
duxbay sheekadu u tahay
doodii badatiyo ilayn
muranku waa uga daraa
waxaan murti kugu dul furay
adoo dusha ka xafidiyo
dulqaadbaan kaa rabaa
hadaad igu diidantahay
mar waan kugu daalayaa
sowtaan kugu idhi daraad
intaan isku duubanahay
miyaan dal shisheeye iyo
dibada kaa aadayaa
halkaad deeqoow rabtiyoo
dalkaan kula joogayaa
sidaynu isu dooraniyo
duntaan kula haynayaa
adaa dunidaba shidee
maxaan kugu diidayaa
nimcooy caashaqaad
cilmiga ku dartoo
codkaaga dareenkala i cajabsho
calool adaygagaa cajaa iba
sidii cir ka hooray meel cosobloo
cad ceedi ku soo baxdaad tahay
hadaan dar allee ku idhi
adigaan dadka kuu jeclahay
qalbiga adigaa u dawo ah
dookhuna ruux kale ma rabo
malaha waad iga didayoo
dareenbaad iga qabtaa
haday ina kala dilaan
daraadaa kuwaan u nacay
danbiga meeshaa ka dhaca
midkeena danbigaa male
jacaylku waa kala daray