Heesta Ha ilaxaman naftayda - Lyrics
aadmigu ma xulan karo
xiliyada is badalayoo
EEBAA xukumi kara
ka lagu xasilayee
dhalku xaal u fili tahay
in xareedu wadhantay
deeqaha xad dhaafka ah
ILAAHBAY ku xidhantee
xikmadiyo u jeedada
xidhiidhkooda raacoo
ku sugnow xaqiiqada
xildhabaanka noloshiyo
xeerbeegti dheegiyo
xog ogaal adoon noqon
ha ila xaman naftayda
wuxuuu xeer u yaalaa
dadka lagu xushmeeyaa
xurmo kaaga mudanyahay
ama loogu xeebtaa
xaquuqdiisa aadmiga
xishoodkaa ku celiyo