VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Hadduu beerku qeebsamo cover - Lyrics

Haduu beerku qaybsamo Badhbaan adi ku siin lahaa Wadnahayga bidixdana Waan kuu badali lahaa Kaaga waan la bixi lahaa Waa booli dhiiguye Kaalamaan bakhayleen Naftoon laba bahood noqon Badhkaagaan ku siin lahaa Biyo hadaad cabaysana Bisinkaan ku dari lahaa Badankaaga faataxo Bawdbaan uga dhigi lahaa ILAAH waxaan baryaayaa Aduunyada badhaadhiyo Barkhad inaad ku waartoo Aakhirana bishaariyo Janada inaad ku barida Waan ku baga bageeyaa Kuu luli lahaa balag Bilad dayay sidiisaan Kuu daawan laa bilig Beeryarada oloshaan Biyo sii ku odhan laa Sida booga dhayay Waan kugu bagsoon lahaa Hadiyo jeer bariidada Kaalamaanan baydheen
Queue is empty
-- / --