laaban laab aduunyadu
iyadoo isugu ladhan
ama kala laxaad roon
sidaanay lug iyo faras
ugu loolamayn orod
ana aan laydha caashaqu
laqantooyadaydiyo
lumisayee ayaamahan
anoon lugo ku taagnayn
sow laaha lama kicin
miyaan ladayaa habeenkii
ladayaa hurdadayaa
miyaan liqayaa anfacadii
laab jaceyl igu lamaanbaa
qalbigayga lurayee
loxoskii aduunyadu
waa laas gudhayoo
liibaantu aduunyadan
qofna way lugoysaa
midna way uloogtaa
qofna way lugoysaa
anaa libintu maalmahan
way iga ligaxan tahay
lahashana ma daayoo
ubax laan kuyaalbaa
lahaa caaana gaadhee
miyaan ladayaa habeenkii
ladayaa hurdadayaa
miyaan liqayaa anfacadii
laab jaceyl igu lamaanbaa
qalbigayga lurayee

Exit mobile version