Heesta Macaan oo jaceyl - Lyrics
Nimco:
Qalbigayga caashaqu
Waa shay ku qaali ah
Qormaduu ku yeeshee
Halkuu jiro qur iyo maal
Jaceylkiii qarsoonaa
Oo aad udiiday qeerkii
Habeenkii ma qorowdaa
Qeelisaa ma toostaa
Qiirada xasuusatana
Heesaha ma qaadaa
Cantarkii uqooliyo
haday qurnatii kugu taal
oo aad qirato caashaqa
Soo ma qurux badnaanteen
Raas:
Gabaryahay qiyaas la'i
Qoraxdii aduunyada
Nuurkii ka qaadee
Tii oon qiilo laga dhigin
Sida qaanso roobee
Quraxdeeda laga dhigay
Laabtayda qaadee
Qashuumaha ku noolba
Xabadyahay qurayshtii
Qasiicooy itiri laab
Qor lilaah waayadu
Qor qoro jaceyl
Qalbiyeey waxaa tahay
Qaalidaa ubaahnaa
Nimco:
Hadaad qalanjadaydani
Uqushucantahay
Qalbi weentahay
Qaraynkii jacayliyo
sheekooyinkii qays
Qisooyinkii ma heesa
Waa qaraami jaeclahay
Intuu noqon waalida
Codka igu qaadoo
Qadar iga maqalsiiy
Cantarkii u qooliyo
Habeen qurnatii kugu taal
oo aad qirato caashaqu
Soo ma qurux badnaanteen
Raas:
Ugushada daruuraha
Cirkoo qaadi waayoo
Qalanjooy hargaysiyo
qurac dheer intuu helay
Oo qasaalay dhibcihii
Qeebta sabaha haleeyoo
Adna qamar la moodyay
Caashaqu iqaadyoo
in qudha ihaystaa
Cidna kama qarsoonee
Miyaan qays ka liitaa
Ama sooma qoomani
Qalbiyeey waxaa tahay
Qaalintaan ubaahnaa