Heesta Arli - Lyrics
arligii barwaaqo ah
ubadkaad ku garataa
gayigii abaarsaday
omoskaad ku garataaye
eri dhabanka geelana
ololkaad ku garataa
qofka uurka kaa jecel
indhahaad ka garataaye
ana ubax la moodyow
umalkaan dartaa qabo
ishaydaad ka garataa
iniinta caashaqa
kaalay ila abqaaloo
aayahaygii noloshow
ugxantiisa ila beer
amintii salaadana
eedaankaad ku garata
awliyada ilaahay
ishaartaad ku garataye
maansada abwaankana
araartaad ka garataa
awlaada khayrka leh
edebtaad ku garataaye