Heesta Ayaa love no garnaqa - Lyrics
kalgacalkan igu lamaan
xubiga sida laydha roob
laabtiyo qalbigayga lulaye
ayaanka ii lalabay
markaan ka ladnaadaba
xusuusiyo laba kaclayn
laxawbuu igu beerayaa
xubiga xoogaa is dhima
anoo libin caashaqiyo
midaan la lubqaaday helin
lurkiisa igu bataye
aniyo love yaa noo gar naqa
waryaa love noo gar naqaa
dookhan igu soo ligligan
xiisahan sidii loo la diri
lix jeer igu soo mir kaca
habeen qudha aanan ladinee
markaan ka liibaanaba
xiskayga lagu ladhaa
ladaabyuu igu ridaa
labxaduu i damqaa xanuun
hhh