Heesta Badbaado - Lyrics
boqoradii haweenkaay
dumar kala bax baa tahoo
bildhaantaan ku eegaba
jacaylkaagu igu badan
ana boqolo wiiloo
beerihii kalgacalkoow
bogsiiyaha quluubtiyo
baashaha naftaa tahay
badanka io laabtaa
kuu wada basaasoo
beer qaboojiyaa tahay
nimco beer qaboojiya tahay
biyo loo haraadoo
bixinaaya oonkoo
dawo loo buukoodaa tahay
muniir dawo loo bukaa tahy
boqolkiiba waa boqol
baaxadii kalgacalkoo
iga baano hawshoo
baashaada ila qaboo
balankiiyoo wacadkaa
burin maayo aniguye
adna bogo dhankaagoo
waligaa ha baylihin
badhtamaha habeenkii
bogonwaayay jiifkoo
waxa la iga booqdaa
baaxa dagiise
anba badka uma cuno
basariyo qumaatiye
bustahana iskama rogo
barigaan ku waayee
kama baxo xasuustoo
bogoshada dareenkooo
xiskaygu ku baahee
nimco xiskaygu ku baahee
beeldaaje wiiloow
caashaqan badwaynta
ubixiisa ila beer
muniir ubixiisa ila beer
boqolkiiba waa boqol
baaxadii kalgacalkoo
iga baano hawshoo
baashaada ila qaboo
balankiiyoo wacadkaa
burin maayo aniguye
adna bogo dhankaagoo
waligaa ha baylihin