Heesta Bishaaro - Lyrics
jacaylkiyo barashadii
barwaaqada ii hor kacay
aan kuu balbalaadhiyee
bildhaantiyo aragtidii
halkaad hakis iigu timid
bad iyo wabibay lahayd
naqiyo doogbay lahayd
biyihiyo raysbay lahayd
banaan simanbay lahayd
kuu boholyoobayoo
naftaa ku baxnaanisee
bushaaro ku soo dhawee
socodkiyo baafintii
baryo aan koobi jiray
aan kuu balbalaadhiyee
bilicdiyo eegmadii
bartii kulankii cishqiga
tilmaan boqranbay lahayd
nasiib baxsanbay lahayd
buruuj adagbay lahayd
bartii caashaqay ahayd
dhirbaad dhalatayoo
ii soo baxdee
bogaya ku dheehantee