Heesta Dareen dhoohane - Lyrics
markaan dhulka hooyo iyo
bulshada booqdeen dhex imid
waxaan ku farxoon la dhacay
nabada salka loo dhigee
deegaanka dhamaan ka simanee
waxay dhaayuhu arkeen
waxqabad dhexda loo xidhoo
si dhaba loogu dhiiranyahay
dhismaha qarankee bulshada
sinaanta ku dheeli tiray
dhaleecada beenta ahee
dhoohane wax ma yeeli karo
dharaartaan ka tagay jigjiga
markaan dhagax buur wardheer
bulaale u dhaafay goday
dhabada dahar iyo afdheer
ilaa nogob dhibi ma jirin
ilaa fiiq dhibi ma jirin
shiniile markaan dhugtee
liibaan dhankastaba ka maray
nabadu way dhaqan gashee