Heesta Dhaanto saabun cadar - Lyrics
saabuun cadar miyaa
ma cadceed soo baxdaa
yarkaan caashaqiisa
la catoobayow
cidlaan kaa raadiyaa
anigoon cod hayn
roobna soo cartamay
casar tahay hadana
ciida haradigeedban
dhex cararayaa
CAADILOW ALLOW
calaf waa mar qudha
ee yarkii aan calmaday
intaan ciid galin
caano wada dhanaa
intaan ciida galin
cunto wada cunaa
raha ciyaaya iyo
codadbaan maqlaa
ma libaaxbaa cartami
ma codkaagiibaa
maanad igu cabsiin
cirku igu da'yoo
cobolana helaye
CAADILBAA qoraye
caawa anoon ku helin
cidlo la'aanbaa baryaa