VOA A B C D E F G H I J K L M N O P Q R S T U W X Y Z


Dhaaxaan Lyrics

Dhaaxaan kalgacal
Dhankay raroo
Dhiilaha u culay
Dhaaxaan kalgacal
Soo dheeliyoo
Dheeliga ka diiday
Soo dheeliyoo
Dheeliga ka diiday

Dhaaxaan kalagacal
Dhooldhooliyoo
Dhidibada u dhigay
Dhaaxuu wanaag
Dhulka reebiyoo
Rays ila dhex maray
Rays ila dhex maray
Dhulka reebiyoo
Rays ila dhex maray

Dhaaxa kalgacal
Jacayl iga dhintoo
Ajashii dhamaan
Dhaaxa kalgacal
Jacayl iga dhintoo
Ajashii dhamaan

Dhaar waxaan ku maray
Dheef iyo inaan
Dhib la qaybsado
Dhaar waxaan ku maray
Dheef iyo inaan
Dhib la qaybsado
Dhib la qaybsado
Dhulka aanan dhigin
Dhulka aanan dhigin

Naf jacayl dhigii
Qaalibaa dhigii
Wixii dhayi karoo
Naf jacayl dhigii
Qaalibaa dhigii
Wixii dhayi karoo

Dhaxalkii jacayl
Qaalibaa u dhigan
Dhaxalkii jacayl
Qaalibaa u dhigan
Qaalibaa u dhigan

Dhaaxaan kalgacal
Dhedig xaawaleey
Dhaantada la tumay
Dhaaxaan kalgacayl
Dheeldheeliyoo
Dhabta aan ku hayay
Dhabta aan ku hayay
Dheeldheeliyoo
Dhabta aan ku hayay

Dhaxaan kalgacayl
Dhadhamada dartii
Dhuuniga ka go,ay
Dhaaxaan hurdada
Dhinacayga jiif
Dhulka aan dhu qaban
Dhulka aan dhu qaban
Dhinacayga jiif
Dhulka aan dhu qaban

Dhaaxaan kalgacal
Dhimashada xusuus
Ilmuu iga dhaxlee
Dhaaxaad adigu
Igu dheertahoo
Dhabaan kuu jeclahay

Naf jacayl dhigii
Qaalibaa dhigii
Wixii dhayi karoo
Naf jacayl dhigii
Qaalibaa dhigii
Wixii dhayi karoo
Dhaxalkii jacayl
Qaalibaa u dhigan
Qaalibaa u dhigan

Dhar waxaan ku baray
Seef iyo inaan
Dhib la qaybsado
Dhar waxaan ku baray
Seef iyo inaan
Dhib la qaybsado
Dhib la qaybsado
Dhulka aanan dhigin
Dhulka aanan dhigin
Dhulka aanan dhigin
Dhulka aanan dhigin


Lyrics by: ismael
loading..
-- / --