Xuduntii dhulkaygaay
Xarun gobi u hooyatiyo
Hoygii xariirtaay
Hoygii xariirtaay

Xag kastoo la eegaba
Xasuustii mudnayd
Xag kastoo la eegaba
Xasuustii mudnayd

Xiisahaagu dhagax buur
Kama go,e xiskaygee
Xiisahaagu dhagax buur
Dhagax buur
Kama go,e xiskaygee

Xakiim waxaan baryayaa
Nimco lagu xamdiya iyo
Xasilooni nabada yeedh

Xinjirtaydu ciiday
Xidid ugu aroortaay
Hoygii xariirtaay
Hoygii xariirtaay

Mar kastaba xogtaadiyo
Ama aan tage xuskaagee
Mar kastaba xogtaadiyo
Ama aan tage xuskaagee

Xiisahaagu dhagax buur
Igu weyn xaqiiqdii
Xiisahaagu dhagax buur
Dhagax buur
Igu weyn xaqiiqdii

Xakiim waxaan baryayaa
Nimco lagu xamdiya iyo
Xasilooni nabada yeedh

Xasilooni nabada yeedh
Xasilooni nabada yeedh
Xasilooni nabada yeedh

Exit mobile version