VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Galeyr dumar - Lyrics

Gabaryahay muggeediyo Garaadkeedu wacanyahay Midabkaagan gaarkaa Gooni iigu muuqdoo Guurdoon ayaan ahay Gayaankaana ahay Gara'ra'da galkacalkiyo Gabayada magarataaa Goodkiii shinbira dila Isagoon u garaabeen Ayuu gees u bayraa Badiyaa galgalshada Gabanyahoow ujeeddada Adiin hadalka gees marin Gallayr dumar miyaad tahay Bal gaddaada iisheeg Gallad eebba weeye Laafyaha garaaraha Adigoon igeesmarin Geedka miraha maad guran Gun dhig reerka ma u noqon Anoon kuu gafeeyn adii Geenya aanad gooyn kerin Gacal laguma dayo maran Inaad gaabsataa roon War hooy gaabsataa roon Goobkastoo aan joogaba Gadaal kuuma celiyee Garan maayo waxaad gocan Gardarada waa baab Gacalooy ha fududaan Garashiyo nasiibkeey Garaadkaygu igu filan Hooyoyoo warkaagee Gadaal haay iigu soo noqon
Queue is empty
-- / --