hablaha kaa doortayoo
jacayl baan kuu hayaa

qudhaydaa kaa heloo
cishqugu way hayaa

hafeefta wadnuhu uu qabiyo
halbawlaha dhiiga wada
halista adigaa badee

hibashada klagcal
hurdo seexan waayoo
hortayda ag taagan tahaye

hadhuubka u cugo jacaylkoo
haaneed cishqigan godladay
hoobaantiyo midhaha guro

naftaydaa kuu hibeeyee
jacaylkan haleeladaa
hooyoo adna ila wadaag

haweenkaan kaa xushoo
aduunbaan ku haybiyaa

anaa kuu heelanoo
qalbigaad i hanatee

heshiiska ay laba dhigata iyo
midnamaa lagu hawlgalaa
hoy iyo guri laga dhaxlaa

hiirtaanyadaa aan qaboo
halistay i galisayoo
adaan hiil kaa rabaa

hadhuubka u cugo jacaylkoo
haaneed cishqigan godladay
hoobaantiyo midhaha guro

naftaydaa kuu hibeeyee
jacaylkan haleeladaa
hooyoo adna ila wadaag

Exit mobile version