Waxaa tahay ugbaad
Asal iyo udgoon
Iyo ileys unkamay
Isir i deeqoo
Aabihii ku dhalaybaa
Abrirsiimo kaamey

Waxaa tahay ugbaad
Asal iyo udgoon
Iyo ileys unkamay
Isir i deeqoo
Aabihii ku dhalaybaa
Abrirsiimo kaamey

Adaa dhaya naftaydoo
Iftiinkaa ku weheshada
Inuu nuurka kaa helo
Dhaayahayga aragtida
Iyo maqalka dhaguhuba
Halkay ku beegsan karayaan
Adaa ii sida hogaankee

Adaa dhaya naftaydoo
Iftiinkaa ku weheshada
Inuu nuurka kaa helo
Dhaayahayga aragtida
Iyo maqalka dhaguhuba
Halkay ku beegsan karayaan
Adaa ii sida hogaankee

Hoo dareenkayga hoo
Hoo damaca hoo
I deeqdaye isii
Hoo nolosheyda hoo
Ku qaataye isii
Isii halyay isii

Kaama tagi karoo
Waan hubaa inaad
Dhuuxeyga tahay
Taabsii erayga wadnaha
Qalbiga sudhan
Daraadaa waan anbadee

Kaama tagi karoo
Waan hubaa inaad
Dhuuxeyga tahay
Taabsii erayga wadnaha
Qalbiga sudhan
Daraadaa waan anbadee

Adaa arami jaceyl
Baahidayda tabi karoo
Qoluulka iga damin karaa
Ku gashada kalgacal
Adigaa i siiyoo
Xubnahayga sidi kara
Adaa dhiigaaga igu shuba

Adaa arami jaceyl
Baahidayda tabi karoo
Qoluulka iga damin karaa
Ku gashada kalgacal
Adigaa i siiyoo
Xubnahayga sidi kara
Adaa dhiigaaga igu shuba

Hoo dareenkayga hoo
Hoo damaca hoo
I deeqdaye isii
Hoo nolosheyda hoo
Ku qaataye isii
Isii halyay isii

Dareenkayga hoo
Hoo timahayga hoo
Damacayga hoo
Timahayga hoo
Noloshayda hoo
Ku qaataye isii

Exit mobile version