Ogoow waxaa uur kujiraa
Ayaa afku kaa xadaa
Haddana ilbidhiqsi eegmo
Ujeeddo indhuhu jalleecdaan
Naftaydu adeey adigaaa

Adduunyadu igu yaraato
Eedahaan loo iidayaaye

Ifkaba kaan ka eeganaayoo
Dhismiga nolasheenno wacan
Ilaah kaaga yeel yeelo

Udgoon ubaxa urooneey
jecelyahay naftuu
Ileeys fuushani agyaal
Iftiin dayxii adduunkaay
Ugbaadeey eegmadaa urooneey

Arooryo cirkoo onkaday
Indhuhu rays eegayaan

Ifkabaa taan ka eeganaayaay
Dhismiga nolasheennoo wacan
Ilaah kaaga yeel

Oggaloow haddaan jacayl
Hayaa isugaran igu mudan
Haddanaad ii muuqaneeyn
Habaarsaday eegmadaadoo
Hadda baan jaleecay adigaa

Ma mus baan kali oodayaa
Abbaar baan kaa eeshayayee

Ifkaba kaan ka eeganaayoo
Dhismiga nolasheenna ugu wacan
Ilaah kaaga yeel yeelo

Ilwaad qurux
Ugu horreyn alkuman
Dumar idil dhammaan
Aqoontii jacayl is iri
Afsheegoo awood leh lawaa
Ugbaad eegmadaa urooneey

Arkaa ma illaawayaa
Agjooge ma u oomayaa

Ifkaba taan ka eeganaayaay
Dhismiga nolasheenna ugu wacan
Ilaah kaaga yeel yeelo

Exit mobile version