Heesta Isii sisinta - Lyrics
Saamigii kalgacaylkaay
Baab wadnaha laga saafoo
Oogadayda ku saaqoo
Sidig la iga dhiga tahee
Raga sabankani jooga
Kaan ka soocday ayaa tahoo
Sadrigiyo qalbigaygaad
Saldhig caashaq ku leedahee
2x
Miyaan gayaanba ku siistaa
Kula simaaba asaagaa
Dareen sabiib ka macaan badan
Aduunbaa igu socdee
Nimcooy sabiib ka macaan badan
Aduunbaa igu socdee
2x
Hadaan saacad ku dheehan
Sawdkaaga maqlaynin
Saxadu way iga xuntoo
Soorba waan ma qancaa
Saxadu way iga xuntoo
Soorba waan ma qancaa
Soo gal laabtoo isaar shafkaagoo
Nimco sabiibeey isii sisinta
Sahwiyaw kaama seexde jiifkee
Alla ma seexdee jiifkee
Suuradaadaan sawir ku dheehdaa
Sawir ku sawir ku dheehdaa
Soo gal laabtoo isaar shafkaagoo
Nimco sabiibeey isii sisinta
Heedhe heedhe isii sisinta heedhe heedhe
Sahwiyaw kaama seexde jiifkee
Alla ma seexdee jiifkee
Suuradaadaan sawir ku dheehdaa
Sawir ku sawir ku dheehdaa
Uuwaa uuwaa uuwa uuwaa
Hoo dareeneey uuwa uuwa
Uuwa uuwa uuwa uuwa
Subar saalax uuwa uuwa
2x
Soo gal laabtoo isaar shafkaagoo
Nimco sabiibeey isii sisinta
Heedhe heedhe isii sisinta heedhe heedhe
Sahwiyaw kaama seexde jiifkee
Alla ma seexdee jiifkee
Suuradaadaan sawir ku dheehdaa
Sawir ku sawir ku dheehda
Uuwaa uuwaa uuwa uuwaa
Hoo dareeneey uuwa uuwa
Uuwa uuwa uuwa uuwa
Subar saalax uuwa uuwa
2x