Heesta Laab qaboojiye - Lyrics
luuqda lali lilmadu huunooy
ha iga leexleexatee kawdhe
luuqda lali lilmadu huunooy
ha iga leexleexatee kawdhe
bal qiyaasoo mar qudha huunooy
ma igu qarawday xalay kawdhee
bal qiyaasoo mar qudha huunooy
ma igu qarawday xalay kawdhee
sida maayirta geeloo
maqashi laga reebooy
inta ay mulay daaqday
mayadii lagu foofshay
sideedaan kuu muhdaayee
muuqba daayoo halkaad huunooy
mari maankaygu raac kawdhee
muuqba daayoo halkaad huunooy
mari maankaygu raac waar hooy
muuqba daayoo halkaad huunooy
mari maankaygu raac waar hooy
cawadaydaay armaan huunooy
caawa kula baxdaa naa hooy
cawadaydaay armaan huunooy
caawa ila baxaa waar hooy
dhexda jabi xubnaha huunooy
dharar baan kaa tuhmaye naa hooy
dhexda jabi xubnaha huunooy
dharar baan kaa tuhmaye waar hooy
yarta dheeree dhuldhulan whuunooy
yaa dhaqaaqoo dhunkada naa hooy
yarka dheeree dhuldhulan whuunooy
yaa dhaqaaqoo dhunkada waar hooy