muuqaaga iyo aragaaga wacan
markaan milicsiga ku dayay
ma hiigaan caashaqiyo
miiraale igu okonday

mawjado ila sara tagaa
naftayda maquuniyoo
badwaynbaan maaxayaa

naftana madigaa u daran
mataan kula noqonde
sidaan muhashada jeclay
macaanow maya ha igu odhane

markaan mud aan nastee
maleeystay inaan bogsaday
muraayad qalbiga ku taal
ayuunbaad ka muuqataa

markaan muxibad jacayl
mir dhexe soo sara kacay
adoon maqanbaan arkaa

Exit mobile version