nacaskiyo fariidkuba
ninba nidarkuu galay
siduu ugu nayaayiray

ayuu ugu nimcaystaa
nafsi kii dhitaystana
naasnaasinaayee

naxdin adiga kuu timid
ana way iu nuduntee
sideen kuu necbaadaa

naqa roob ku noolihi
neecowda kuma baxo
ana waan u nugulahay

fariidnimadu waxay tahay
nabad guriga kuu taal
nabad laguma doorsado

naftu way ku jeceshe
adna nudubi ha u noqon
iyo nacab shisheeye ah

Exit mobile version