Naf ku jeceliyo
Qalbi kuu nugul
Nabdi kula jira
Oo nasiib wacan

Naqii hooray iyo
Nadadaydaay
Naso caashaqa
Oo nasteexee

Naruuradaydaay
Noolohoo idil
Niyad kuu jecel
Yaan nitaaqiyo
Naafo kula rabin
Naaxi caashaqa

Nal baxaayiyo
Nuurkii dunidoe
Nimco weeyee
Nagu ku ahawee

Nuda beerkiyo
Jidhka nuuxsada
Naxli yuu galin
Nabar ceebee

Naruuradaydoow
Noolohoo idil
Niyad kuu jecel
Yaa nitaaqiyo
Naafo kula rabin
Naaxi caashaqa

Exit mobile version