Heesta Qandho - Lyrics
qandhadu iigamay horayn
qamuumyadii caashaqaagee
qacdaan kula kulmaa
qumaatina la ii wareemay
bal qabso caashaqa anqari
qalbiga meeshaad ku taal
haday qaaraduhu ogyihiin
quruumaha loo bandhigo
waxbaa laga qori lahaa
qisiyo ma hadhooyin reebo
dadka wax ku qaadan laa
qoroxduna waxay soo baxdaa
anoo qaadaa dhigaaya
naftayda kugu qaracan
qaabkaan kuugu sheegi laa
qalbiyow kuugu qeexi lahaa
qandhadu iigamay horayn
qisaaskii caashaqaagee
qawlkiyo hadalkaad i tidhi
qumaatina kuu arkeen