Heesta Toosane – Taalo - Lyrics
Dareen:
Toosanoow Toosanoow
Adigoo qudhaa Nin rag
kaa tilmaansadee
naftaa kugu tabeesee hee hee
Armaa iga tala baxdaayo
Mid kale taajka ulushaa
Abdi:
Hablaha dunida oo dhan tuban
Ilaa iyo Toban milyoon
Qurux Tii usidatayoo
jin iyo cirib lagu goladay
Sidee dareen sidee
Sidee ugu tagi karaa
Dareen:
Qalbigaad ku talaalantahay
Xiskaygaad kor taagantahay
Dhankayga jacelka ka wayn
Inoo beeryada dagay
Wadnaha baö taabo hubi
Abdi:
Tafiiq sulayqa iyo
Tagoogii yuusufleey
Ubax taariikh leh iyo
Caashaqo taloomay
Talmooy Xubigayga noqo
Dareen:
Toosanoow Toosanoow
Xubiga teel iima dhigan hee
Barkaygoow toos udagayahee
Inuu meel halis tagay
Abdiyoow taabo jirkeeyga
Abdi:
Naftaydaad tahay Dareen
Jirkayga lagugu talay
Turaabta jaceylka culus
inoo badankii idagay
Wadnaha taabo bal hubi
Dareen:
Tiirkayga nolshadydiyo
Geesigii aan ku taahamayoo
Ubax taariikh leh iyo
Caashaqa taalo aan umudnee
Tixgili aan labo lisneey
Abdi:
Tafiif sulayqiyo
Tagoogi yuusufleey
Ubax taarikh leh iyo
Cashaqa taalo aan umudnee
Talmooy xubigayga noqo