Qalbigii xiisaha kaa damqaday
markaad xumo ula bareedhay
xiriirka dhexdeena gooysay

Laabtii kuu xalneeyd in badan
xajiinta markaad u quudhay
xogtaadi i deeqi weeyday

Damiirkii aad xujeysay
dib buu ka xisaabtamoo
xanuunku jaceylku badey
xiskeyga inaan ka meyroo
xaal baan u arkaa nafteyda
inaan xasilooni baro

Dookheyga adigoo xaqiray
xurmiyo sharaftii ka tagey
garashoo igu xeerin waaye

Xanateena markaad foogeesay
xigto iyo gacalkii u tabisay
waliba xidigaha is geesay

Damiirkii aad xujeysay
dib buu ka xisaabtamoo
xanuunku jaceylku badey
xiskeyga intaan ka meyroo
xaal baan u arkaa nafteyda
inaan xasilooni baro

Exit mobile version