Kalgacalkan igu lamaan
Xubiga sida laydha roob
Laabtiyo qalbigayga lulay 
Ayaa kala ii lalabayee
2x
Markan ka ladnaadoba
Xasuus iyo laba kaclayn
Laxawguu igu beerayaa
Lubiga xoogaa is dhima
2x
Anoo libin caashaq iyo
Mid aan la lug qaado helin
Dhibkiisa igu batee
Ayaa love gar naqaa
2x
Dookhan igu soo ligligan
Xisahan sida loo ladiri
Lix jeer igusoo mir kaca
Habeen qudha aanan ladin
2x
Markan kali banoba
Xiskaygaa lagu ladhaa
Kabaabyuu igu ridaa
Labxaduu idamqaa xanuun
2x
Anoo libin caashaq iyo
Mid aan la lug qaado helin
Dhibkiisa igu batee
Ayaa love gar naqaa
2x

Exit mobile version