VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Arwaax - Lyrics

Waxaad ii tahay ilays Iftiin noloshayda haga Waxaa ii tahay awood Ifkaan kali ku jeclahay Qof baan ahay kuu ildaran Ilmeeya markuu ku tabo Waxaan ahay uunka idil Arwaax kaligaa kuu nugul Adaan ikhtiyaar la'aan Naftaba kugu aaminee Qudhaa ku ilaashatee Miyaan ku ilaawayaa Waxaa ii tahay laxaad Wiilasha aragiyo indhaha Waxaa ii tahay itaal Dhegaha unugiyo wadnaha Indheer garad baa tahoo Ragaba adigaa u mudan Adaa nafta oon tiroo Ruuxdaad ila maamushaa Adaan ikhtiyaar la'aan Naftaba kugu aaminee Qudhaa ku ilaashatee Miyaan ku ilaawayaa
Queue is empty
-- / --