Heesta Dhalan dhool caashaq - Lyrics
dhalan dhoolka caashaqa
anigoo la dhuubtoo
dhibkiisana la liitoo
jacaylkii dhexdeenuna
dhiiga uu ku milanyahay
dhaayahayga aragtiduna
markii ay ku dhawraan
dhabtii kuu ilmeeyaan
adigaa ku dheeloo
dhayalsaday naftaydoo
dharaar qudha cidleeyee
markaan dhigay warkiise
aan ka dhaartay caashaqa
hadii uu is dhalan rogoo
dhinacaaga ku waynyahay
qalbi dhaawac qaba oo
aad dhansiisay waabay
kaalayoo ka dhaadhici
sida dhayda caanaha
aan u dhamay jacaylkoo
dhamaan waaxyahaygiyo
inta uu dhaadhacay
qalbiga ka dhaansaday
sidaad iigu dhaartahay
midaan ku dhaafsado
ku ag dhigaba oon jirin
adigaa dhantaaloo
dhaawacay jacaylkooo
dhankaaguu ka liicee