Jacayl aan dhamaanbaa
Wadnaha i dhex qaadoo
La dhaqaaqi waayaan
Dhabtii aan la ooyaa

Dheeman la moodyaw
Dheeldheel ha moodine
Way dheel dheel ha moodine
Waa iga dhab jacaylku

Soo dhaqaaq dhankaagay
Dhab isii macaanaw
Dhabta kaalay igu qabo

Dhakhtarkii jacaylkaa
Dhayi laa naftaydee
Kuma dhaafi karayee
Soo dhaaf dhankayga

Muxibada dhab weeyee
Dhami waaxyahayga
Aday kaa dhursugayaan

Hodaneey hoy waa ayaankeeniye
Ha raagoo guurku way noo hagaagtee

Hugunkiyo mashxaradiyo
Hablahaa ciyaaraya
Suugaantiyo heesaha
Hoobayda dhaantada

Exit mobile version