dartaabaan caraabaa
cadceedaan wareegaa
taniyo cawayskee
codkaaga aan u ooyaa

ana waad i ciishaa
calooshaad i hurisaa
ana kaama caagoo
carabkaa i qalaloo
cidlaan kaaga heesaa

inaan caawa ladanahay
caalamkaa moodoo
cimilada xumaatiyo
waqtigaa i ciiloo
adaan kuu cakiranahay

canaaniyo dhib mooyee
warsan iima celisidoo
cishi qudha aduunyada
cisi kaama helo ani

cabashadu dan weeyee
ciirsibaan ka raadshaa
bal inaan codkii helo
curadkaan jeclaaye
u cataabi jiray ani

Exit mobile version