Heesta Gayaan - Lyrics
dhirtaba qaarbaan la goosan
midhaha guudkooda saaran
aadmiga kala gobaadsan
raguna kala gayaansan
wax dhiba anigo aan gaysan
xidhiidhka dhexdeena goysan
waataad sheekada gorfaysan
iila timid adigoo garawsan
waxaan ahay gaban hogaansan
hidihiyo dhaqankii garaysan
arin iyo talo ii go'aansan
waligay kumaan guul daraysan
naftaydii ku mooday gacalsan
waxay ku ilowday goorsan
ragana waxa aan ka guursan
nin ragoo adi kaa gayaansan
anoo caashaqa la gaaxsan
kaligaa adi kuu gadoodsan
inaan yagleelno guri san
adaa diidoo garmaamsan
gar ALLE waxaad i raagsan
markuu nafsigoo giraansan
ku helo adigoo ganaaxsan
xaqiiqda adaa garawsan