Heesta Sharad - Lyrics
adoo dhiba iga yidhi
sheekadaada iga jaray
maxaan shaamareeroo
dhiba sheegan waayee
qalbigii adi kuu shifaysnaa
kaa shaleeyay maantoo
shabaqaad dhigaysaan
shalay aan ku dhacayee yarkow
kuma shaafin karayee
sheekadaadan iga daa
anuu kaa shiraacdee
ha i sheegan abidkaa
adigoo aan shiixayn
sharaftayda dhawrayn
maxaan sheed ka ooyoo
ilmo shagax iga tidhi
kalgacayl i shiiliyo
shuush igama guree
shidaad i horseedoo
sharadbad i galisee