Qalbiga ruuxoo jeclaaday
Ku qaabilay niyad wanaaga
Hadduu quudhsadoo yareesto
Dibuu ugu qoomamoone

Qaladkuna wuu dhacaayee
Qalad iga galay jacaylka
Qadaafi iyo xaaladooda
Shalay qoontaa ku yeelay

Maantaba anigoo qiraal ah
Markaan qandhadii dareemay
Haddii aan kuu qaboobsamay
Qudhaadu garasho yeelo
Naftayduna xaal ka qaado

Qisdiga ruuxaan ku doortay
Ku qaabilay garasho fiican
qeebta useexo sagsaago
Qamuunyo marbuu dhibtooniyee

Haddaanad oofin qoolka
Qalqaalada caashaq leeyahay
Adoon nafsi uqaadan
Inaad runta qeexdo weeye

Maantaba anigoo qiraal ah
Markaan qandhadii dareemay
Haddii aan kuu qaboobsamay
Qudhaadu garasho yeelo
Naftayduna xaal ka qaado

Exit mobile version