VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Xariir - Lyrics

inagoo qalbi xaadhanoo laabteenuna tahay xariir xujo iyo ceeb la aa kalgacalkeenoo xasilay qilaaf xaqadaaci kara ama kuu noqda xariir xilkas ma samayn karee xanteenu ha dhawrsanaato dadnimo kuu xidhiidhsanba xumaan kaa dawayn kartee xanaaqeeniyo cadhada intaan xal u raadinayno xabiibi ha sii fogaan jacyl ku dhismay xalaal xusuusbadana ka tagay nolol iyo xaas ninkaa xil iyo la wadaagayoow xabaal mooyee kolnaba hadaan xag la kala tagayn xadhig lama wada jaree wuxunba la xeeriyaa
Queue is empty
-- / --