Bukaan socodka liitaa
Ragga waa ku badan yahaye
Ha u baran nuglaanoo
Ciilka baaxadiisee

Barashadaan is nuugtiyo
Axdigaagan baa ba'ay
Haweyn baad u baratee
Ka adkeysan weydee
Haka daba balaan balin

Baahidaada adiga isu
Baanan karayoo samo
Waxey bideysane kuumaan
Barasho gooynine
Dabkaan igu baxaayaa
Boholyow igaliyee
Aan is iri baqtiiyee

Adaa kuu birmanayee
Bash bash iyo barwaaaqiyo
Baraaraan rajeeyee

Adaan kuu birmanayee
Samir weel ka buuxsoo
Oo yaan dhankaagu beylihine

Lyrics by: Abdi deeq

Exit mobile version