fakataye sirtaydii
waa taa fogaatee
kama dara naftaydaay
xageenbaan fadhiistaa

wiilkaan u feedhee
kala baxay filkaygii
hadii uu falkani dhigay
faa'ido socotee

aan u fiirsanaynoo
isagoona foojigan
haduu wacadkii kala furay
waa feedh la jabiyee

ragu balan fur badanaa
fiid meer sideeday
fiidkii dhaqaaqaan
hablahana ku foofaan

fikir intay ku beeraan
ku furaan jacayl madhan
ayay xumo ka fidiyaan
fagaaraha ka sheegaan

Exit mobile version