Lilaahi baan kuu ahaayoo
Lilaahi imaad noqod adigu

Lilaahi ban kuu ahaayoo
Axdigeenii maan lumin

Laba ruuxoo is jeceloo
leysku Xantaan aheyne

Lamaanaha kalgacalkoo
Isku ladhan ayaanehee

Libaan maleh aduunyadu
Laakiin kama filaneyn

Ha iga lumin ha iga leexan
Qalbigaada ka lulataa

Lama amaano camal wanaagsan
Qofkaan laheynbaa
Lagama boodo axdi dhaba
Lama ilaawo walaalnimo
Lama xujeeyo qof ku jecel
Lagama maarmo barashadii macaaneyd.

Naf aan ladeynin adigoo heystaa
Ladaneey miyaa kamana boodin
Axdi dhaba mana ilaabin walaalanimo
Kuma xujeynin adigee kamana maarmin
Barashadii macaaneeyd

Laxawga caashaqa kama ladnaanine
Laabtaan kugu hayaa weli.

Exit mobile version