Heesta Somali - Lyrics
waxa loo ciyaar tumi
dayax iyo cadceedoo
nuurka isku celiyiyo
ubax caynba cayniyo
meher lagu casuumee
waxa ka dhigay cayn
lamaanihiina is calmadaye
calafku isku beegay
arooskiinan caawee
labadiinan is caashaqay
waxa soo anqariyay
hooyooyin caaniyo
aabayaal ciseeyiyo
dhamaan cashiiradiina
calanka idiin lulaaya
ducaan idinku cuuree
ALLOW curado wiil iyo
caruur khayr le idin sii
ALLOW caaniyo nabad
cimrigiin ku waara
cugashada kalgacalkiyo
cabirkooda laba ugub
si calool fayoobiya
caashaqau dhidibtiyo
cisi weeyi guurkuye
wuxuu inagu cayshay
carab waliba ducadee
cimrigiinu noqoy laba
caafimaad ku wada jira