aroos wacanbaad tihiin
ehelkii sharaftaad tihiin
lamaane isu uuroo
is aaminaybaad tihiin

jacayl ugubaad tihiin
dhawaan unkamaad tihiin
hadeer isha keenayoo
u baahan xurmaad tihiin

hadaad noolaha arlada
aduunka iskala baxdeen
ifkana iska doorateen
xilkaad oogada sudheen
dulqaadkiisii alkuma

arooskeena aamiin
ALLOW tiiri aamiin
ALLOW toosi aamii
ALLOW TAQABAL aamiin

aqoon hiigsadbaad tihiin
iftiin baxayaad tihiin
ugbaad soo muuqda iyo
garaad ifayaad tihiin

man soo udgayaad tihiin
ubixii cishqigaa tihiine
halkuu ku arooray iyo
jacayl askumaad tihiin

Exit mobile version