Daruuraha hilaaciyo
Dab la shiday habennimo
Dal dheer bay ka muuqdaan
Cishqiguna sidii daaad
Ama haradi doolood
Wuu dusaa warkiisuye
Ana waxan dedo jacaylkoo
Daahyada ku qariyo
Dareenka iyo xiisaha
Dadka aan ka dhawraba
Daa dacare so bood
Sida daad iso jiidh
Dibnahayga so dhaaf
Haday maqashay dunidu
Adun baaan ku doortee
Danbi kale miyaan galay

Exit mobile version