VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Dawga ceerigaabo - Lyrics

Dal wuxuu dannoodaa Markuu daw helahee Gaadiidku gindimayee Dara joogta bannaanka Dalxiis umarayee Ragga dowga horseeday Weey ducaysan yihiine Weeynaan dhistirnaayoo Muruqayna ku deeqnoo Ku darnaa hantideennoo Daacad ula shaqeeyoo War dadkaygoow Hooy dadkooy Waa daruuri Dawga ceela tagayoo Dalkiibaa isku xirmayee Degdeg aan u bilowno Inbadan bay dayacnaydoo Sanaag ay dulmanaydoo Dalka ay ka go'naydoo Dantu ay cadar geysoo Ka dugaansanaayeen Ragga dowga horseeday Weey ducaysan yihiine Weeynaan dhistirnaayoo Inagoo isku duuban Dawladda isbarbar taagnoo Daacad ula shaqeeyoo War dadkaygoow Hooy dadkooy Waa daruuri Dawga ceela tagayoo Dalkiibaa isku xirmayee Degdeg aan u bilowno Inbadan baan dayacnaynoo Daruuri sarajabi Daalo daawashadeedaa Quruxdii dalka hooyaa Dawla aan laga maagin Inbadan buu dararnaayoo Muruqii na dihnaayoo Dahabkii qodanwaayoo Dawladaa reer galbeedkiyo Dadka kale aan sugaynoo Ragga dowga horseeday Weey ducaysan yihiine Weeynaan dhistirnaayoo Inagoo isku duuban Dawladda isbarbar taagnoo Daacad ula shaqeeyoo War dadkaygoow Hooy dadkooy Waa daruuri Dawga ceela tagayoo Dalkiibaa isku xirmayee Degdeg aan u bilowno Inbadan baan damanaynoo Hadal un daldalynoo Dadkalaa la dhisaynoo Danta guud la illaawoo Hoosba looo dayin waayay Ragga dowga horseeday Weey ducaysan yanayaane Weeynaan inaan la dadaalnoo Muruqeenna kudeeqnoo Kudarnaa hantideennoo Daacad loola shaqeeyo War dadkaygoow Hooy dadkooy Waa daruuri Dawga ceela tagayoo Dalkiibaa isku xirmayee Degdeg aan u bilowno
Queue is empty
-- / --