Jacaylka Dhaxal baan uhelay
Uhelay uhelay
Annigu dhaxal baan u helay

Annaa Dhacda caashaqa
Dhibkiisa ilaah ibaday
Ibaday ibaday ilaah ibaday

Annaa dhab ukarinayoo
Dhabtayda annaa ku sida
Udhowro sidii dhalaan

Dhiigayga anoo shubtoo
Anuu dhamac iga shidoo
La dhuubtoo jacayl idilay
Idilay idilay jacayl idilay

Jacaylka dhaar baan umaray
Umaray umaray umaray
Annigu dhaar baan umaray

Annigu waa udhagal nuglahayoo
Dhawaaqiisaan maqlaa

Annaa sida dhibicda roob
Ilmadada iga soo dhacdaa
Anniga dhabankayga qoysaa

Dhiigayga anoo shubtoo
Annoo dhamac iga shidoo
La dhuubtoo jacayl idilay
Idilay idilay jacayl idilay

Exit mobile version