indhaha qalbigaa ka eegmo fogoo
waxaanay arag buu ogaadaaye

inaan miirsaday ha moodine
maankii iga raacayba maqane

taydii kaliya miiga u baxdoo
maqasha ku ceshaa

inaabtidu way isu hiilin jirtoo
ax maad odhan iintaydiyee

miyaanad ka baqayn inaan bogsodoo
nabsigu waa balee ku baal maree

wax badan busto saar boogtaadee
markii ay bogsan wayday lay i barayee

habsaamay intaan heesayee
haraadmayee maan iskaga haado ee

Exit mobile version